Magaalada Minneapolis, MN oo maanta lagu xusay maalintii Xornimada Soomaaliyeed goobo badan oo ay ka mid ahayd Safari Ex.. oo ah Makhaaxida Ugu caansan Soomaalida Makhaaxiyahooda waxay soo qaban qaabiyeen xaflad lagu qabtay suuqa weyn ee Midtown Exchange, waxay ku soo bandhigeen barnaamin iskugu jira Hido
iyo Dhaqan, Heeso, Ciyaaro, Ciyaar Dhaqameed, Dhaanto, Gabayo iyo Dad codkar ah oo ka hadlay goobtaas oo ay ka mid yihiin Abwaanka , Qoraaga, Macalinka iyo weliba Qaabeeyaha filmaanta Abwaan Saciid Saalax Axmed, waxaa kaloo ka hadalay Dhalin yaro aad u fir fir coon oo Goobtaas wacdaro codkarnimo leh ka muujiyey.
Dhanka Fanka oo aan ka maqnayn meeshas waxaa Live uga tumayey Abwaan Barasare Maxamed Faarax Aargoos, Fanaan Mooge, Iyo fanaanka Sanadka fanaanita ugu codka macaan ku jira Khaalid (Libaax)
Waxaa goobtaas ka hadalay dad ajinebi ah oo qaarkood ku heesayeen heeso Soomaali ah kuna hadalayeen Luuqada Soomaaliga iyagoo ugu mahad celinayey Soomaalida Deris wanaagooda iyo xusmaday ku dhex deganyihiin bulshadooda.
waxaa isaguna kalamado ka dhehay mid ka mid ah maamulka Magaalada Minneapolis, waxay dhamaan dadkii ka hadalay iyo kuwiii marti ahaanta uga soo qaybgalayba ku maqsuudeen saday dhalin yaradu u soo habayeen barnaamijkooda qasatan ciyaar dhaqameedad lagu soo bandhigay goobtaas oo ay ka mid ahayd Dhaantada oo aad loola dhacay.
Isku soo wada duuboo waxaa meeshaas lagu muujiyey farxad iyo rayn rayn aad u fiican iyagoo bulshada reer Safari Ex.. aybalan qadeen in ay sii wadayaan oo sanad walaba ay dhigi doonaan xaflada loogu dabaal degayo Maalinta Xornimada Soomaaliyeed.Â
Halkan ka Daawo Sawiradii Xafladaas