¡VIVA ESPAÑA! Daawo goolkii Spain ay ku qaaday KOOBKA ADUUNKA (VIDEO/SAWIRO)

Posted on Jul 11 2010 - 10:57pm by News Desk
Tweet
Pin It

Bartamaha — Ciyaartii kama dambaysta ciyaaraha kubadda cagta ee Aduunka oo ay ku loolamayeen Spain iyo Nederland kana dhacaysay Soccer City Stadium ee magaalada Johansburg ayaa maanta waxay ku dhamaatay 1 -0 oo ay guushu halkaas ku raacday dalka Spain oo markii ugu horeysay ku guulaystay koobka kubadda cagta aduunka. Goolka ay guushu ku raacdayna waxaa dhaliyay Andre Iniesta.

Ciyaarta oo 90kii daqiiqo ee loogu talogalay ayaa laysku mari waayay  0 – 0 waxaana lagu daray sida caadada ahayd 30 daqiiqo oo dheeri ah, kadib markii 15kii daqiiqo ee hore aan wax goolal ah la kala dhalin ayaa dhamaadkii 15 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay waxaa gool uu soo salaxay Tores dhaliyay Andre Iniesta.

Ciyaartan oo ahayd mid kulul ayaa waxaa lagu bixiyay 13 warqadda digniinta ah (Yellow Card) iyo hal Casaan ah (Red Card).

iniesta2

Hoos ka daawo sawirada