Bartamaha(Gaal-Kacyo):-afhayeenka Culimada Ahlu Sunna Wal-Jameeca Sheekh C/laahi Yuusuf Al-qaadi oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in ay dilalkaasi geysteen kooxo cadow ah balse aanay Ahlu-sunnah aqoonin dilalka nuucaasi ah.
Afhayeenka Ahlu sunnah wal-jamaaca ayaa sheegay in dilalkaasi ay ka danbeeyaan kooxaha Alshabaab iyo ragga la shaqeeya isagoo tilmaamay in qaababkaasi aanay ku dhaqaaqin culimada wanaaga looga bartay Ee Ahlu sunnah .
Sheekh ayaa sheegay in kooxda Alshabaab si weyn loogu yaqaano dilalka nuucaani oo kala ah islamarkaana ay caada ka yeesheen dilalka dadka Muslimiinta ah sida uu hadalka uu u dhigay afhayeenka ahlu sunnah waljamaaca.
Hadalka ka soo baxay Kooxda Ahlu-sunnah wal-jamaaca ayaa waxa uu imaanayaa ka dib hadalkii tacsida ahaa iyo canbaaraynta Ee ka soo yeeray afhayeenka Xarakada Alshabaab iyadoo ay jiraan tuhuno maamulo badan ay ka qabaan in dilkaasi ay ka danbeeyeen Ahlu-sunnah wal-jamaaca.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.