Culimada Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca Ee ku sugan Deegaanka Doolow oo balan ku qaday in ay weerarayaan Islaamiyiinta Gobolkaasi.

Posted on Aug 12 2009 - 8:10am by News Desk
Tweet
Pin It

ahlu sunah'Bartamaha (Doolow):- Saraakiisha Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca Ee Gobolka Gedo ayaa balan ku qaaday in ay weerarayaan Kooxaha Islaamiyiinta ka taliya qeybaha Gobolkaasi.

Sargaal sare oo ka mida Kooxda Ahlu sunnah Eek u sugan Deegaanka Doolow ayaa daboolka ka qaaday in ay wadaan diyaar garow dagaal ku wajahan Gobolkaasi Gedo kaasi oo uu sheegay in ay ku qabsanayaan Deegaanadii laga soo saaray.

Sheekh C/qaadir Ibraahim (Abuu-Sakariya) oo ka mikda saraakiisha abaabulka dagaal ka wada deegaanka Doolow ayaa waxa uu sheegay in dhankooda ay la dagaalamayaan Ciidamada Kooxaha xooga ku haysta Gobolkaasi Gedo.

Sargaalkaasi u hadlay Ahlu sunnah wal-jamaac ayaa waxa uu ku cel-celiyay in markii hore deegaanadaasi looga gar-darnaa islamarkaana ay xiligan awood u leeyihiin in ay qabsadaan goobihii laga soo eryay markii hore.

Afhayeenkaasi u hadlay Ciidamada Ahlu sunnah Ee Ku sugan deegaanka Doolow ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan abaabul dagaal ay xiligan ku qabsanayaan Gobolka Gedo isagoo sheegay in diyaargarowgoodu uu dhamaaday xiligan.

Hanjabaadan ka soo yeertay kooxda Ahlu-Sunnah wal-jamaaca ayaa imaanaysa xilli maamulkii Dowlad Ee Gobolka Gedo ay sheegeen in ay ku soo wajahanyihiin Gobolkaasi Gedo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.