Ciyaartoyga Carlos Tavez iyo C/Salaam Cadaay oo isku koox u safan doona…

Posted on Jul 16 2009 - 1:57am by News Desk
Tweet
Pin It

carlos_tevez2Bartamaha — Ciyaartoyga Carlos Tavez iyo kooxda Manchester City ayaa waxay wada galeen heshiis uu Tavez ku ogolaaday in uu ku biiro kooxda Manchester City. Tavez oo u dhashay wadanka Argentine ayaa wuxuu ogolaaday in uu mudo shan sanno ah  ciyaartoy ka ahaado kooxda Manchester City. Ciyaaroyga Carlos Tavez ayaa labaddii sanno ee la soo dhaafay u ciyaarayay kooxda Manchester United.

Tavez oo ah ciyaartoy khadka hore ka ciyaara aad iyo aadna ugu xeel dheer xaga kubadda cagta, ayaa  wuxuu horay ugu soo ciyaaray kooxaha, Manchester United, West Ham, Boca Juniors, Corinthians iyo kooxda qaranka ee dalka Argentine. Sidoo kale Taves ayaa ah ciyaartoyga kali ah ee  saddex sanno oo isku xigta noqday ciyaartoyga ugu wanaagsan South America.  Tavez ayaa ah ciyaartoy ku guuleystay koobka ama horyaaladda dhamaan kooxaha uu u ciyaaray ay uga tartamaan wadamadooda. Tavez oo kamid ahaa xulka qaranka ee Argentine, ayaa sidoo kale waxa uu haystaa billad dahab ah oo dalkiisu hantay sannadkii 2004 kaalinta koobada ee cayaaraha Olymbiga.

Haddaba, dadweynaha aadka u xiiseya cayaaraha kubadda cagta, gaar ahaan kuwa degan magaalada Manchester iyo dhamaan suxufiyiinta sida joogtada ah u raaca cayaaraha ayaa waxay si aad ah u hadal hayaan dhaqdhaqaaqa is daba jooga ah iyo ciyaartoy gadashadda kooxda Manchester City. Ciyaartoyga Tavez ayaa go’aan gaaray in uu ka tago kooxda Manchester United markii uu sii kordhay khilaafka u dhexeeya isaga iyo macalinka kooxda Sir, Alex Ferguson. Waxaa fiirog gaar ah muddan in xidiga xulka qaranka ee Norway iyo kooxda k/cagta ee Manchester City ee asalkiisu ka soo jeedo dalka Soomaaliya C/salaam C/qaadir Cadaay ay isla safan doonan ciyaartoga Tavez, isku dhinacna ka soo jeedsan doonan iyaga oo matalaya kooxda Manchester City.

W/Q: Abdirahman Mukhtar