Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta dil isugu geystay bartamaha isgoyska Km4 Ee Muqdisho halkaasi oo ay muddo rasaas isku dhaafsanayeen.
Inta la xaqiijiyay 4-ruux ayaa geeriyootay oo 2-ka mida ay ahaayeen askartii maanta israsaasaynta ku dhexmartay isgoyska KM4 Ee Muqdisho halkaasi oo muddo ay rasaas isku eryanayeen 2-Askari .
Israsaasayn muddo 10-daqiiqo ka soctay isgoyska NO.4 ayaa waxa ay dhalisay qasaarahaasi iyadoo la sheegay in 2-askari uu khilaaf u dhexeeyay iyadoo rasaasta ay isdhaafsadeen labaduba isku dhaawaceen taasi oo ay ka danbaysay rasaas ay isku ridayeen inta dhulka dhaawac ahaan ay u yaaleen.
Goobjooge ku sugnaa xiliga falkan uu dhacayay ayaa www.Bartamaha.Com u sheegay in dadka ka cararay isgoyska ay in mudda ah daawanayeen sida falka uu u dhacayay iyadoo ugu danbayn labada askari ay tag dhigeen ka dibna shacabka ay ku dul sheekeysteen in mudda ah wallow aad loga naxay maadaama ay salfadeen 2-ruux oo rayid ah oo iyaguna rasaasta ay haleeshay.
Â
Labada askari ayaa goobtaasi laga qaaday xilli ay si xun u dhiigbexeen ka dib markii ay Ciidamo dowlada ka tirsan ay diideen in la qaado wallow xiligii danbe goobtaasi laga qaaday ka dibna ay ku qurbexeen Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.