Ciidamo ka mida Kooxda Ahlu sunnah Wal-jamaaca oo maanta la wareegay Degmada Ceel-dheer Ee Bariga Gobolka Gal-Gaduud.

Posted on Aug 11 2009 - 2:54pm by News Desk
Tweet
Pin It

ahlu sunaahBartamaha (Ceel-dheer) :-Ciidamo  ka mida Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-jamaaca ayaa maanta si rasmi ah gacanta ugu dhigay Degmada Ceeldheer Ee Gobolka Gal-gaduud.

Ciidamadan ka tirsan Ahlu-Sunnah oo watay gaadiidka dagaalka ayaa ku soo dhgawaaday xalay saqdii dhexe Degmadaasi iyagoo xiriira la soo sameeyay gudaha Degmada Ceel-dheer oo ay ku sugnaayeen koodxa Alshabaab askar ka amar qaadata.

Wararka laga helayo Deegaankaasi Ceeldheer ayaa la sheegayaa in Ciidamada Alshabaab ay halkaasi isaga bexeen iyagoo u dhaqaaqay dhanka koonfureen Ee Magaaladaasi.

Ciidamada Kooxda Ahlu-Suna ayaa ayaa si nabad ah kula wareegay guud ahaan Magaaladaasi oo aanay ka dhicin wax dagaal ah iyadoo kooxda alshabaab askartooda ay isaga tageen deegaankaasi.

Dagaal aan sidaa u xoog badnayn ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay wadada u dhexeysa deegaanka Ceeldheer iyo Coosweyne halkaasi oo ay isku dheceen ciidamada Alshabaab iyo Kooxda ahlu-Sunnah .

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Kooxda Ahlu sunnah ee Gobolada dhexe iyadoo bilihii la soo dhaafay cabsi xoogan ay ka jirtay Deegaankaasi ceel-dheer.

Xafiiska  Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.