Bartamaha(Balad-Weyne):-Ciidamo aad u hubaysan oo ka mida kuwa Xizbul Islaam ayaa la xaqiijiyay in xalay ay dageen Deegaanka Ceel-gaal duleedka Magaalada Balad-Weyne.
Ciidamada Xizbul Islaam oo watay gaadiidka dagaalka ayaa la soo sheegayaa in Xalay ay fariisin xoogan ka samaysteen Deegaanka Ceel gaal halkaasi oo horey ay u daganaayeen Ciidamada Dowlada.
Ciidamada Xizbul Islaam ayaa dadka deegaanka aya sheegeen in dhufeesyo ay ka qoteen deegaankaasi iyadoo gawaari dagaal oo badan halkaasi la geeyay taasi oo u muuqata in difaac adag ay diyaarsadeen.
Saraakiisha Dowlada ayaa dhawaanahan waday abaabulo dagaal markale lagu soo qaado Magaalada Balad-Weyne si looga saaro halkaasi Ciidamada xoogan ee Xizbul Islaam oo dhawaanahan soo buuxinayay Balad-Weyne.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.