Bartamaha(Ceelasha-Biyaha):-Ciidamada Maamulka Ceelasha Biyaha ee Kooxda Xizbul Islaam ayaa qabqabtay Koox Burcad dadka dhacaysay xiliyada Maalintii ah.
Koox Burcad ah oo wadatay Hub been abuur ah ayaa Xalkay iyo Maanta lagu kala qabtay Xaafadaha ka fog Wadooyinka Laamiga ah ee Deegaanka Celasha Biyaha xilli ay dadka dhacayeen Koxdaasi.
 Raga la qabtay ayaa maamulka Deegaanka Ceelasha ay sheegen in lagu xukumi doono shareecada waxa ay ka qabto Tuuganimada ay ragaasi ku guda jireen xiligii la qabanayay.
Sheekh Ibraahim Xasan oo ah Madaxa Amniga Maamulka Xizbul Islaam Ceelasha ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay qabqabteen Kooxo doonaysay in ay dadka ku dhacaan hub been abuur ah.
Madaxa Amniga ayaa sheegay in ay hayaan 8-nin oo lagu soo qabtay howlgalo saacadihii ugu danbeeyay ay sameeyeen Ciidamada ammaanka kuwaasi oo xukun sugayaal ah.
Dadka la soo qabtay ayaa la filayaa in xukun lagu riddo maadama maamulka ay sheegeen in ammaan darada dhawaanahan la dareemayay ay samaynayeen dadka la qabqabtay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.