Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam oo dhalinyaro Burcadnimo lagu Eedeeyay ka soo qabtay deegaanada u dhexeeya Wala-Weyn iyo Buur-hakaba.

Posted on Aug 16 2009 - 8:30am by News Desk
Tweet
Pin It

dhabBartamaha (Buur-hakaba):- Ciidamada Koxda Xizbul Islaam ayaa shalay galinkii danbe gacanta ku soo dhigay kooxo dhalinyaro ah kuwaasi oo lagu Eedeeyay Burcadnimo.

Howlgalada Ciidamo Kooxda Xizbul Islaam ay ka sameeyeen wadada u dhexeysa Walaweyn iyo Buuhakaba ayaa waxa ay ku soo qabteen 4-dhalinyaro lagu Eedeeyay in Wadadaasi ay ka wadeen falal ay gawaarida dhac ugu geysanayeen.

Wadada u dhexeysa Wala-Weyn illaa Deegaanka Buur-hakaba ayaa waxaa joogta ka noqotay dhac iyo baarasho ay bulshada kula dhaqaaqayeen kooxo tuuga ah kuwaasi oo baarasha u geysta gawaarida safarka ah.

Illaa hatan ma jiro wax war ah oo ay saxaafada siiyeen Saraakiishii Ciidamadaasi hoggaanka u ahayd iyadoo la arkayay dhalinyarada Ciidamada ay wadada ka soo qabteen oo loo sii dhaadhicinayo saldhiga Walaweyne.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.