Ciidamada Dowlada oo wiil dhalinyara ah gaari kala dagan kuna dilay wadada Ex-Control Afgooye.

Posted on Dec 21 2009 - 11:39am by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIABartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Dowlada ee ku sugan Wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye ayaa bilaabay baaritaano xoogan iyo gawaarida in ay kala dagaan ragga ay ku tuhmaan la shaqeynta Alshabaab.

Wiil dhalinyara ah oo ay Ciidamada ku sheegeen Alshabaab ayaa maanta maydkiisa uu yaalay wadada hareerteeda isgoyska Ex-Control Afgooye halkaasi oo gaari ay ka dagsadeen ka dibna ay dileen Ciidamada.

wiilka la dilay ayaa la sheegay in Ciidanka ay dusha ka saareen bistoolad la sheegay in uu watay xiliga la dilayay oo ay ka shakiyeen askrata maadaama ay sheegeen in uu dil geysan lahaa hadii aan la toogan.

Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay dadka saaran gawaarida waxa ay amrayeen in ay arkaan maydka ninka ay dileen kaasi oo ay sheegeen in ciddii garanaysa ay siinayaan maadaama ay dileen askarta Dowlada.

maanta ayaa wadada waxa ay ahayd mid weji cusub leh maadaama ay Ciidamada Dowlada baaritaano ku wadeen gawaarida dadweynaha ee maraysa wadadaasi iyagoo gawaarida kala dagayay dhalinyarada ay ka shakiyaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.