Ciidamada Dowlada oo maanta ku amray dadka ku nool Gurigii Hooyooyinka in halkaasi isaga guuraan.

Posted on Aug 4 2009 - 4:34pm by News Desk
Tweet
Pin It

hooyooyinkaBartamaha (Muqdisho):-Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta amar ku siiyay dadka ku nool dhismaha guriga Hooyooyinka in halkaasi ay isaga guuraan iyagoo hanjabaad kula dhaqaaqay qaar ka mida shacabka halkaasi ku noolaa.

Qaar ka mida qoysaska ku noolaa dhismahaasi ayaa saxaafada u sheegay in ay Ciidamadu ay ku amreen in halkaasi ay ku faarujiyaan muddo 24-saac gudaheed ah.

Hooyo soomaaliyeed oo mudooyinkii la soo dhaafay si barakac ahaan ah u soo dagtay dhismaha Gurigii Hooyooyinka ayaa sheegtay in ay ka naxday hadalada ay Ciidamadu ku dhawaaqeen iyadoo sheegtay in aanay haysan meel ay ku noolaato .

Dhismaha Guriga Hooyooyinka ayaa waxaa horey ugu noolaan jiray qaar ka tirsan Ciidamada Dowladii Madaxweyne Yuusuf iyo Gudoomiyayaal degmo oo soo barakacay kuwaasi oo dhawaanahaynba halkaasi isaga guuray iyadoo guriga uu noqday mid ay hoy ka dhigteen qaar ka tirsan barakacayaasha cusub.

Inta badan magaalada Muqdisho dhismayaashii Dowlada ayaa waxa ay yihiin kuwa aad u bur-bursan kuwaasi oo qaar ka mida ay dageen shacabka dhismayaashoodii dagaalada looga soo saaray kuwaasi oo haatan dharbaaxshadan laga naxo qaarkood ay ku dhacday.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.