Bartamaha(Balad-weyne):-Ciidamada Dowlada oo ay hogaaminayaan Xildhibaano iyo Saraakiil kale ayaa waxa ay wadaan dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan Baladweyne.
Wararka laga helaayo duleedka Baladweyne ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ay ku soo dhawaadeem Magaalada kuwaasi oo doonaya in ay weerar ku qabsadaan Baladweyne.
Dadka reer Baladweyne ayaa waxa ay sheegayaan in Askarta Xizbul Islaam ay heegan buuxa galeen waxaana qaar ka mida ay gaareen Buurta Janta Kun Dishe duleedka Magaalada.
Dhaqdhaqaaqa Ciidan ee laga dareemayo Hiraan waxa uu imaanayaa xilli maalintii shalay Xizbul Islaam ay sheegeen in aanay wax cabsi ah ka qabin weerar kaga yimaada dhanka Dowlada.
Wixii soo kordha www.Bartamaha.Com kala soco Insha Allaah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â