Bartamaha(B/Weyne):-Ciidamada Dowl;ada Fd Soomaaliya Ee ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa bilaabay howlgalo ay ku adkeynayaan Ammaanka Magaaladaasi.
Ciidamada Dowlada ayaa maanta isku fidiyay xaafado ka mida Magaalada Baladweyne halkaasi oo ay ka bilaabeen howlgalo ay ku baadi goobayaan Kooxo habeen hore weerar ku qaaday Masuul ka mid ahaa Maamulka B/Weyne la wareegay.
Howlgalka ay maanta Ciidamada ku dhaqaaqeen ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen 5-dhalinyara ah kuwaasi oo ay ku Eedeeyeen in ay qeyb ka yihiin Xoogaga Dowlada ka soo hor’jeeda Ee xiliyada qaar weerara ku qaada Ciidamda Dowlada.
Saraakiil ka tirsan Dowlada Fd Soomaaliya Ee Magaalada Baladweyne ku sugan ayaa sheegay in ay ku Guuleysteen sugida Ammaanka Magaalada Baladweyne halkaasi oo dhawaan ay kala wareegeen Xoogagii Xizbul Islaam Ee laga saaray Magaaladaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.