Bartamaha(Boosaaso):-Ciidamada Ammaanka Boosaaso ayaa maanta qabqabtay tiro dhalinyaro laga shakiyay kuwaasi oo haatan xabsiyada magaalada la dhigay.
Ciidanka ayaa waxa ay howlgal ka sameeyeen wadooyinka magaalada Boosaaso iyadoo ay qabteen saddex dhalinyara ah oo looga shakiyay qaska iyo qaraxyada magaalada ka dhacayay dhawaanahan.
Howlgalada Magaalada Boosaaso ayaa waxa uu noqday mid joogta ah iyadoo Booliiska wadooyinka lagu arko iyagoo wada howlgal ay ku raad jogaan dhalinyarada shakiga laga qabo.
Taliska Booliiska Boosaaso ma jiro wax hadal ah oo ay ka bixiyeen howlgadalada ammaanka wax looga badalayo ee ka socanaya Magaalad Boosaaso.
Dhalinyaro badan ayaa loo hayaa dilkii loo geystay xildhibaan Baarlamanka Puntland ka mid ahaa oo dhawaan Boosaaso lagu toogtay iyadoo dad badan oo shakki laga qabo ay Booliiska ku daba joogaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.