Bartamaha(Muqdisho):-Howlgal ay si wada jir ah u sameeyeen Ciidamada Badda wadamada Hindiya iyo Faransiiska ayaa waxa ay si xoog ah ku soo furteen markab laga lahaa wadanka Hindiya oo in mudda ah lagu haystay xceebaha Soomaaliya.
Wasaarada Gaashaandhiga Wadanka Hindiya ayaa sheegtay in Ciidamada Badda wadankooda oo kaashanaya kuwa dowlada Faransiiska ay ku guuleysteen in ay sii daayaan Markab ay saarnaayeen shaqaale hindiya u dhashay kuwaasi oo ay haysteen burcadda badaha soomaaliya.
Dowlada Hindiya ayaa intaasi raacisay in ay xuraysay shaqaalihii saarnaa markabkaasi oo gaarayay 14-shaqaale u dhashay dalka India iyado dowladaasi ay muujisay in aanay jirin wax waxyeela ah oo ay geysatay rasaastii ay isweydaarsaden Ciidamada badbaadinayay shaqaalahaasi iyo kooxihii burcad badeeda ahaa
Ciidamada labada dowladooda ayaa gaarsiiyay markabka ay furteen shaqaalhii saarnaa gar-gaar caafimaad iyo mid cunno si ay uga soo kabsadaan dhibato xagga nolosha ka heysatay taasi laga dheehan karay muuqaaalka guud ee jirkooda.
Weerarkan lagu soo furnayay shaqaalaha Hindiya u dhashay ayaa yimid ka dib markii Burcad badeeda haysata ay dhawaan muddo saacada ah ay u qabteen shaqaalahaasi oo ay shegeen in ay surka ka jarayaan haddii aanay bixin madax fursho.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.