Ciidamada Ammaanka Puntland oo qabqabtay dhalinyaro looga shakiyay masuuliyada qaraxii lagu tuuray gudoomiyaha Baarlamanka.

Posted on Dec 21 2009 - 11:57am by News Desk
Tweet
Pin It

La_QabtayBartamaha(Garoowe):-Ciidamada Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa gacanta ku soo dhigay dad lala xiriirinayo masuuliyada qaraxii ka dhacay Garoowe ee lala bartilmaameedsaday gudoomiyaha Baarlamanka.

Ciidamada Sirdoonka iyo kuwa Booliiska ayaa iska kaashaday soo xerida illaa 6-dhalinyaro looga shakiyay masuuliyada qaraxii ka dhacay Magaalada Garoowe xalay oo uu ka badbaaday gudoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Howlgalka ay Ciidamada Ammaanka ku dhaqaaqeen ayaa yimid markii Booliiska ay daba gal ku bilaabeen dad looga shakiyay ka warqabka qaraxa la doonayay in lagu dilo c/rashiid maxamed Xisri gudoomiyaha Baarlamanka.

Xabsiga magaalada ayaa lo dhaadhiciyay illaa 6-dhalinyarada ah ee looga shakiyay masuuliyada qaraxa ka dhacay magaalada Garoowe oo uu ka badbaaday gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Goboleedka Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Batamaha.Com

Garoowe-Somalia.