Ciidamada ammaanka Kenya oo xaafad 2aad oo ay soomaalidu ka degto magaalada Nairobi hawl galo ka fuliyey

Posted on Jan 20 2010 - 9:55am by News Desk
Tweet
Pin It

komarock242-t

Nairobi (www.Bartamaha.com) Ciidamada ammaanka Kenya oo maalmahaan baaritaano xoog leh ka waday xaafadaha soomalidu ay ka degto magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa xalay waxay hawgalo dad badan ay ku xirxireen ka qabteen xaafadda komorock ee degmada Embakasi oo ka mida xaafadaha aay sida aadka ah u degto soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

Xaafadda komarock ayaa sidoo kale waxay hooy u tahay kumanaan soomaaliya waxayna kamida tahay xaafadaha ugu badan ee ay soomaalidu ku nooshahay marka laga reebo xaafadaha islii iyo south C.

Mar aan aan la xiriirey qaar kamida dadka ku dhaqan xaafada komorock ayaa waxay ii xaqiijiyeen iney ciidamada ammaanka ee Kenya guri guri ay u barayeen guryaha iyo estates ku yaalla xaafadaasi ay soomaalidu degto.

“dhabtii boolisku waxay xaafadda soo dhigteen ilaa iyo sided baabaaur waxayna yimaadeen abaarihii 9:00am ama 3dex saac oo habeenimo waxayna guri guri u baarayeen dhamaan estateyada ay xaafadu ka kooban tahay, sidaasi waxaa ii xaqiijiyay qasiin maxamed xuseen oo kamida soomaalida ku dhaqan xaafada komarock degmada Embakasi ee magaalada Nairobi.

Dhinaca kale nimco kaah oo kamida wariyayaasha qurba joogta ku ah magaladan Nairobi ee dalka Kenya oo kamida dadka ku dhaqan xaafadda komarock ayaa ii xaqiijisay in boolisku ay xaafadda komarock ka kaxaeysteen dad gaaraya 200 ruux oo kamid haa soomaalidii xaafadaasi degganeyd.

Estates ama guryaha la galay ee xaafadda komorock ayaa waxaa kamid ahaa msisi court, msaponi court, mwaliki court, phase 2 ,phase 3 iyo jacaranda estate oo ay intooda badan deggen yihiin soomaali u badan dadkii ka soo qaxay dalka soomaaliya.

Arintaan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo 17kii iyo 18kii bishan janaayo ay horey ciidamada ammaanka Kenya ay xaafada islii oo xuddun u ah soomaalida Kenya ku dhaqan ay ka kaxeysteen dad kabadan 300 ruux oo ay kamid ahaayeen xildhibaano dawladda soomaaliya ka tirsan, wasiiro horey ula soo shaqeeyay dawaladii tan ka horeysay ee uu hogaaminayay cabdulaahi yuusuf, taliyayaal milatari oo ka tirsanaan jirey ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed.

dhmaan dadka lagu xirxirey hawlgaladani ayaa waxaa l isugu geynayay iskuulka tababarada ciidamada sirdoonka kenya oo ku yaalla xaafadda South C oo ah xaafad ay si aada u deggen yihiin dad farabadan oo soomaaliyeed.
Dhinaca dawlada soomaaliya gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka soomaaliya Proff maxamed Cumar Dhalxa iyo qaar kamida xildhibaanada dawaladda soomaaliya ayaa dhaliiley wali xildhibaanada soomaaliyeed ee Kenya ku sugan iyagoo ku booriyey iney dalka dib ugu laabtaan kenyana ka codsaday iney xoriyadooda dib ugu soo celiso, balse arinta is weydiinta mudan ayaa waxay tahay dawladda soomaaliya kaliya ma xildhibaanada iyo laamheeda dawladeed ayay matashaa mise dhamaan shacbiga soomaaliyeed.
Maxaa ilaa hadda loo waayey xildhibaan, wasiir, amaba masuul dawladeed oo ka hadla dhibaatada shacbiga soomaaliyeed ee hooyooyinka iyo caruurta u badan kana soo qaxay dalkoodii hooyo ay ciidamada ammaanka Kenya xabsiyada u taxaabayaan, iyadoo la xaqiijiyay in inta badan dadka la qabanayo ay yihiin dhalinyaro, caruur iyo hooyooyin soomaaliyeed oo markii maxakamadaha Nairobi la geeyo lagu xukumayo lacag gaareysa KSH 100,000 una dhiganta $1400.

Ugu dambeyntiina ma cadda xaafadaha soomaalida Nairobi ay deggan yihiin xaafadda xigi doona xaafadda Komarock o xalay hawlgalkaasi laga fuliyey iyadoo cabsi ay ka jirto xaafadaha Downhome, South C, iyo xaafadda South B oo kamida xaafadaha ay soomaalidu ka degto Nairobi caasimadda dalka Kenya.

Cabdiqafaar Axmed shire.
Nairobi, Kenya.
[email protected]