Ciidamada Amisom oo saaka fariisin ka dhigtay Isbitaalki Digfeer Degmada Hodon Muqdisho.

Posted on Nov 22 2009 - 8:55am by News Desk
Tweet
Pin It

amsiomBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Amisom ayaa saaka fariisin Ciidan ka dhigtay dhismaha Isbitaalkii Digfeer Degmada Hodon Muqdisho halkaasi oo ay horey u daganaayeen Ciidamada Dowlkada.

Fariisinka Saaka ay Ciidamada Amisom ka samaysteen dhismahaasi ayaa waxa uu imaanayaa xilli Magaalada Muqdisho ay isaga soo horjeedaan Amisom iyo Dowlada oo dhinac ah iyo Islaamiyiinta Mucaaradka.

Dadka ku haray Degmada Hodon ayaa waxa ay sheegeen in Saaka ay arkeen Ciidamo xoogan oo ka mida kuwa AMISOM oo watay gaadiid dagaal iyo Taangiyada kuwaasi oo deegaan ka dhigtay dhismaha Digfeer.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo laga haayo Ciidamadaasi iyo ujeedada ka danbaysa in ay dagaan dhismaha Isbitaalkaasi Digfeer Ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.