Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada ka tirsan kuwa Kooxda Alshabaab ayaa duhurnimadii manta xabsiga dhigay Gudoomiyihii hore Ee Degmada Baraawe Ee Gobolka Sh/Hoose.
Ciidamada oo ahaa kuwa aad u fara badan isla ma’ahaantaana watay qaar ka mida gaadiidka dagaalka ayaa manta waxa ay gaareen hoyga Gudoomiyihii hore Ee Baraawe iyadoo halkaasi ka soo kaxaystay C/laahi Xalane Dhuxulow oo ahaa Gudoomiyihii Degmada Baraawe.
Ciidamada ayaa la xaqiijiyay in ay u badnaayeen kuwa Alshabaab Deegaankaasi Baraawe kuwaasi oo ay horkacayeen saraakiil deegaankaasi kuwaasi oo la sheegayo in aanay wax dhibaata ah kula dhaqaaqin masuulkaasi xiliga xabsiga ay u taxaabayeen.
Â
Ma jiro ilaa haatan cid ka tirsan maamulka alshabaab Sh/Hoose oo ka hadashay Masuulkaasi xilli ahaa Gudoomiyihii Degmada Baraawe oo mnaanta xabsiga ay dhigeen Ciidamada kooxda Alshabaab.
Lama ogaan karo sababta ka danbeysa xariga manta lagula dhaqaaqay C/laahi Xalane Dhuxulow oo ka mid ahaa dad kooban oo maamulkii hore ka tirsanaa isla makaana haatan ku dhexnool xukunka maamulka alshabaab.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.