Ciidamada Alshabaab Balad-Xaawo oo gacanta ku dhigay nin Xaaskiisa ku dilay Degmadaasi.

Posted on Dec 10 2009 - 9:11am by News Desk
Tweet
Pin It

AlshabaabBartamaha(Balad-Xaawo):-Maamulka Alshabaab Balad-Xaawo ayaa xabsiga dhigay nin Xaaskiisa ku dilay Gudaha Degmadaasi ka dib muran soo kala dhexgalay labadooda.

Ciidamada Maamulka Balad-Xaawo ayaa waxa ay qabteen ninka dilka geystay kaasi oo dhawaan qudha ka jaray Haweenay uu qabay oo ay ku hishiin waayeen arima la xiriira Maaliyada.

Ninka Xaaskiisa dilay ayaa lagu  magacaabaa Ibraahim Cali Tima Cadde oo toorey ku  dilay Faadumo Kaltoomo oo ahayd xaaskiisa markii ay ku murmeen arimo la xiriira maaliyada.

Sargaal Alshabaab u hadlay ayaa balan qaaday in ninkaasi gacan ku dhiiglaha Xaaskiisa dilay ay Maxkamad soo saarayaan si loogu qaado shareecada Islaamka waxa ay ka qabto.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.