Ciidamada Al-Shabaab oo Maanta dad ku soo qab-qabtay howlgalo looga hortagayay ka ganacsiga raashinka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Posted on Jun 29 2009 - 6:42pm by News Desk
Tweet
Pin It

raashin02Bartamaha(Muqdisho):-Howlgalo maanta ay sameeyeen Ciidamada kooxda Alshabaab ayaa waxa ay ku qab-qabteen qaar ka mida ganacsatada Suuqa weyn Ee Bakaaraha kuwaasi oo qaarkood ka shaqeysanayay ka ganacsiga raashinka dhacay.

Ciidamada Xisbada Ee Xarakada Alshabaab ayaa manta gudaha u soo galay suuqa weyn Ee Bakaaraha halkaasi oo ay kula wareegeen furayaasha gobo Bakhaara ah oo ay ku xaraysnaayeen raashin dhacay oo halkaasi lagu farsamaynayay sidii shacabka looga iibin lahaa.

raashin110Ciidamada Maanta howlgalkaasi sameyanayay ayaa waxaa la socday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ee Maamulka Alshabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo saxaafada kula hadlayay suuqa Bakaaraha gudihiisa goobo ay Ciidamadooda ka heleen ka ganacsiga raashinka dhacay.

alshabaab-raashingudoomiyaha-alshabaabSheekh Cali Max’ed Xuseen oo ah Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ee Xarakada Al-Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxa uu sheegay in ay galayaan dhammaan goobaha ay ku ogaadaan in lagu hayo raashin dhacay oo bulshada lagu khiyaanayo isagoo soo daliishaday Xadiiskii Rasuulka ee Macnihiisu ahaa (Ruuxii na Khiyaanaa nagama mid ahan).

Howlgalkan Maanta ay kooxda Alshabaab ka sameeyeen Gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa imaanaya xilli dhawaan ay amar ku bixiyeen in aan shacabka lagu khiyaanin raashinka waqtigoodu idlaaday iyo kuwa uu ku dhawyahay intaba ee dalka soomaaliya sharci darada lagu keenaayo.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.