Cabdi Nuur Darmaan oo Barakicin ku bilaabay dadka ku barakacay Duleedka Muqdisho (Daawo Sawirada).

Posted on Sep 28 2010 - 6:29pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSC04095Bartamaha (Muqdisho):- Ninka horay u sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya kana mida qurba joogta ayaa barakiciyay dad badan oo barakacayaal ah oo daganaa deegaan ka mida Duleedka Muqdisho.

Cabdi Nuur Axmed Darmaan oo horay u sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya markii Xizbi uu samaystay bay doorteen ayaa bilaabay in uu dhaqaale culus la yimaado dalka islamarkaana uu iibsi kula dhaqaaqay goofaf iyo dhul balaaran.

Ninkan Madaxweynaha isku doortay ayaa waxa uu xiriira adag la yeeshay Dowlado caalamka ka mida Sida Dowlada Urdun isagoo haatan Iibsaday dhul balaaran oo ay daganaayeen Barakacayaasha Deegaanka Calamada.

Sida Muuqaalada Sawirada aad ka dheehan kartaan waxaa gaaray Deegaanka Calamada mid ka mida Howl-wadeenada www.BARTAMAHA.COM kaasi oo la kulmay Haween,Caruur iyo dad kale oo alaabahooda ka qaadanaya deegaankaasi Calamada dhul ku yaalay oo laga barakiciyay.

Dhulka dadkan ay ka barakaceen ayaa waxaa lahaa nin dadka deegaanka kaasi oo dhaqaale badan afka loo galiyay ka dibna ku dhiiraday in uu Dhulkaasi ka Iibsado C/Nuur Axmed Darmaan oo Xizbi lagu magacaabo Jamhuuriga uu u doortay xilka Madaxweynaha.

Dhulkan ayaa waxaa ku noolaa in ka badan 150-Qoys oo Barakacayaal ah oo guryihii ay daganaayeen looga soo raray rasaas iyo Madaafiic u dhexeysa Amisom iyo Islaamiyiinta Mintidka ah ee dagaalada ka wada Muqdisho.

Dadka Barakac la sii baraciyay ahaa ayaa waxa ay muujinayeen murugo iyo tiiraanyo ku aadan sababta loo sii qixinayo iyagoo hadda jiifa banaanada deegaanka Calamada Ee Duleedka Degmada Afgooye.

Dadkan ayaa waxa ay yihiin kuwa qarakood Ilmadu ay ka qubanaysay shalay gabal dhicii markii laga sii barakiciyay xeradii ay daganaayeen muddo Laba Sano ka badan oo lacagta la siiyay ninkii lahaa ka dib la amray in ay guuraan.

Dadkan oo la hadlayay www.Bartamaha.Com ayaa waxa ay u sheegeen in ay garan la’yihiin halka ay beegsadaan waxaana ay sheegeen in uu dhulka ku dul Iibsaday Cabdi Nuur Axmed Darmaan oo aaminsan in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya sida dadkaasi ku warameen.

Dhibaatada dhabta ah ee  haysata Barakacayaasha ayaa waxa ay noqotay mid halis badan galinaysa Nolosha dadkaais oo qaarkood garan la’ halkii ay beegsan lahaayeen markii Dhaqaale looga barakiciyay dhismayaashii ay daganaayeen.

U bareerida Ninkan Xizbiga uu samaystay ku magacaabeen Madaxweynaha ayaa waxa ay noqonaysaa mid mugdi galinaysa nolosha dad badan oo Barakacayaal oo dhammaan hadda waayay meel ay dagaan markii inta badan xerooyinka ay buux dhaafeen.

Dhanka kale Mudooyinkii u danbeeyay ayaa waxaa soo badanayay Kooxo Burcad Badeed dhaqaale culus wata oo Iibsanaya dhulka Barakacayaasha daganyihiin Ee Duleedka Muqdisho waxaana Xaafado ka mida Ceelasha Biyaha ka samaysmay dhismayaal loo yaqaano (BURCAD BADEEDA).

Hadaba dadka maanta banaanada yaala ee laga soo saaray guryihii ay daganaayeen ayaa waxa ay noqonayaan kuwa laba dhinac ka dilan maadaama xilli hore Madaafiic looga soo barakiciyay xaafadihii ay daganaayeen halka haatan Lacago culus la dul dhigay sii barakicinta dadkaasi dhibanayaasha ah.

DAAWO SAWIRADA:-

Barakicin Deegaanka Calamada

Barakicin Deegaanka Calamada

Xerada dadjka lala raray

Xerada dadjka lala raray

Sariir iyo gurigii ay hoos taalay oo la burburiyay

Sariir iyo gurigii ay hoos taalay oo la burburiyay

Waayeel la barakiciyay

Waayeel la barakiciyay

Dadka oo sii barakacaya

Dadka oo sii barakacaya

Hooyo iyo Caruurteeda

Hooyo iyo Caruurteeda

Dadkii oo dibada loo soo eryay loona adeegsaday Ciidan xerada ka saaray

Dadkii oo dibada loo soo eryay loona adeegsaday Ciidan xerada ka saaray

Abdirizak Yusuf Kampala

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]

[email protected]