Bartamaha (B/Weyne):- Buundadii Liiq Liiqato ee Magaalada Baladweyne ayaa duntay xilli dhawaan dib u dayac tir xoogan ay ku sameeyeen Maamulka Alshabaab Hiiraan.
Waxaa maanta guud ahaan Burbur xoog badan uu gaaray dhismaha Buundada Liiq Liiqate ee Baladweyne xilli uu dul marayay gaari nuuca Xamuulka qaada ah taasi oo sababtay in buundada ay go’do burbur xoog badana uu gaaro gaarigii buundada ay la duntay.
Buundada ayaa waxaa ku naf waayay saaka 1-qof 4-kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray markii Buundada burburkeeda uu saameeyay dad martayay xiliga buundada ay la go’aysay gaariga nuuca Xamuulka ah oo guud ahaan noqday mid biyaha dhex quusay.
Dadka reer Baladweyne ayaa saaka hadal haayay burburka Buundada ku yimid xilli sanadii tagtay ee 2010 bilowgeeda ay duntay Buundada oo dhowr qof ay ku naf waayeen iyada oo qasab ka dhigtay in magaalada ay kala qeybsanto oo labada dhinac la isaga gudbo.
Saraakiil shabaab ah ayaa kormeer ku gaartay Buundada waxaana la hadal haayaa farsama xumada buundada maadaama ay saaka si sahal ah u duntay markii muddo ka hor xariga laga jaray ka gadaal markii dib ay u dhiseen Ganacsatada iyo jalaiyada reer Hiiraan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika