Burcad Badeeda Soomaaliya oo sii daayay Markab laga lahaa Wadanka Malaysia.

Posted on Aug 3 2009 - 2:33pm by News Desk
Tweet
Pin It

burcad-badeedaaBartamaha(Kulalampur):-Markabkan oo laga lahaa Wadanka Malaysiya ayaa la sheegayaa in uu ka shiraacday Xeebaha soomaaliya Xalay saqdii dhexe ka dib markii burcad badeeda ay sii daayeen.

Sargaal u hadlay Ciidamdada Badda ee Midowga Yururb ayaa sheegay in kooxda Burcad badeeda ay shalay oo Sabti ahayd sii daayeen dooni nuuca wax jiida ah taasi oo laga lahaa wadanka Malaysia .

Burcad badeeda soomaalida ah ayaa ogolaaday sii daynta Markabkaasi ka dib markii ay qaateen lacago aan sidaa u badnayn oo Madax furasha ah taasi oo la siiyay Burcad badeeda Muddo 7-bilood gacanta ku hayay Markabkaasi Malaysiya laga leeyahay.

Sargaal u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in Burcadda sii daayeen Doonida Maraakiibta jiida oo lagu magacaabo Masiranda 7 taasi oo xalay habeen barkii ka shiraacatay goobtii lagu haystay.

Doonidan lagu magacaabo  Masirand 7 ayaa la sheegay in ay ku sii jeeday Magaalada Mayl oo caasimada Jasiirada Maldefis halkaasi oo la filayay in ay biyaha soo dhexdhigto Markab laga leeyahay Maldefis . 

Sargaal ka mida Ciidamada NATO Ee Xeebaha soomaaliya ayaa sheegay in ay waraysteen shaqaalaha 11-ah Ee u dhashay wadamada Malaysia iyo Indonsia kuwaasi oo sheegay in ay caafimaad qabeen shaqaalaha saran markab laga leeyahay Germany kaasi oo lagu haysto Xeebaha Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.