Febraayo 02, 2011
Bartamaha — Waxaa haatan bilawday iskudhacyo ka dhex bilowday Shacabka Masaarida kadib markii ay iska hor imaadeen dad taageersan Madaxweyne Mubarak iyo kuwa kasoo horjeeda Nidaamkiisa.
Tahrir Square ayaa waxaa hadda ka socota tuuryo iyo gacanqaad u dhaxeeya labadaan kooxood waxaaana uu qasaaraha sii marayaa ilaa 100 dhaawac ah.
Adeegsiga ulaha iyo midiyaha ayaa ka bilaawday haatan goobtaas iyadoo ay qaar ka tirsan mudaaharaasha ay soo wateen Fardo iyo Geel si ay ugu isticmaalaan gaadiid ahaan.
Lix qof ayaa dhawaan lagu jiiday dhulka kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen taageerayaasha Madaxweyne Mubarak.
Qaar ka tirsanaa Ciidamada Qalabka sida ee Masaarida oo sugayay amaanka goobta ayaa meesha u dhaw madxafka Masaarida iskaga cararay waxaana dad careysani ay la wareegeen gaariyaal waaweyn oo meesha u yiilay Militariga.
Fowdadan ayaa waji ka duwan midkii hore u keeni karta xiisadaha Kacsan ee ka jiray todobaadkaan Dalka Masar.
Kala Soco Bartamaha/ Wargelin waxii soo kordha .
Cabdul
Qaahira
Abdul