Booliiska Puntland oo xabsiga dhigay wadaad sheegtay hogaanka Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca Puntland.

Posted on Oct 3 2009 - 5:46pm by News Desk
Tweet
Pin It

Bartamaha(Garoowe):-Ciidamada Booliiska Maamulka Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay wadaad ka mid ah Culimanada Ahlu-Sunnah kaasi oo dhawaan sheegtay hogaanka Ahlu-sunnah Puntland.

Ciidamada Booliiska ayaa lagu soo waramayaa in ay xereen sheikh sheegtay in uu la dagaalamayo Islaamiyiinta Alshabaab iyo Xizbul Islaam kuna sugan Magaalada Garoowe.

Booliiska ayaa baadi goob  ugu jiray dhawaanahayn soo qabashada Sargaalkaasi oo maanta ay suurta gal noqotay in la soo xero kaasi oo la sheegay in Ammaanka uu qalqal galiyay.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiiro iyo Taliska Booliiska ay ka danbeeyeen amarka lagu soo xeray wadadaakaasi oo lagu Eedeeyay in uu qorsheynayo falal ammaan xumo iyo dagaalo aan ka abuurneen maamulkaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia