Biikol “Alshabaab Cafis kama rabno dagaal ayaa noo dhexeeya,ma waxay rabaan in ay Madaxyada na jaraan..”.

Posted on Feb 22 2010 - 5:04am by News Desk
Tweet
Pin It

4125Bartamaha(Yeed):-Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ee maamulka Dowlada KMG ah op haatan dibad joog ka ah Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in aanay aqbalin cafiska ay alshabaab u fidiyeen.

Gudoomiyaha Magaalada Baydhabo Xasan Maxamed Biikolo  ayaa daaha ka qaaday in aanay marnaba isku aaminayn alshabaab oo ay dagaal uga saarayaan Gobolka ay ka talin jireen .

Biikolo oo ku sugan Degmada Yeed oo ka mida Bakool ayaa sheegay in aanay Alshabaab noloshooda aamini doonin isalamarkaana ay dagaal uga saarayaan Bay iyo Bakool xiliga ay noqotaba.

“Alshabaab Cafis kama rabno dagaal ayaa noo dhexeeya xilli ay noqotana waan ka saaraynaa Bay iyo Bakool …..  yaa aaminaya ma waxay rabaan in ay Madaxyada na jaraan…” ayuu yiri gudoomiyaha oo ka hadlayay cafiska abuu mansuur siiyay.

Hadalka Gudoomiyaha Baydhabo ayaa imaanaya xilli Sheekh Mukhtaar Roobow uu cafis u fidiyay dhammaan madaxdii Bay iyo Bakool oo ku kala sugan Yeed iyo Doolow si ay weerar ugu soo qaadaan Goboladii alshabaab ay horay uga saaratay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.