Bartamaha__Banaanbaxyadii maalmahan ka socanayay Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa yeeshay weji cusub ka gadaal markii Koox taageersan Xusni Mubaarak ay magaalada isugu soo baxday.
Xilli Xalay aanay seexan dadka ka soo horjeeda Xusni Mubaarak oo ay taagnaayeen Fagaaraha Xuriyada ayaa waxaa Saaka markii dadkii xalay soo jeeday ay jiifsadeen ka faa’iidaystay Koox Boqolaal ah oo taageera u muujinaysay Xusni Mubaarak iyo jiritaanka xukunkiisa.
Dadkan ayaa waxa ay wadeen banaanbaxa muddo dhowr saacadood ah wallow hurdada ay ka soo tooseen 2-Milyan oo xalay taagneed Fagaaraha Taxriir iyada oo magaalada Qaahira ay noqotay mid jawigeeda is badalay oo weji cusub loo yeelay banaanbax muddo Todobaad ah socanayay.
Tagaeerayaasha Xusni Mubaarak ayaa waxa ay ahaayeen koox ku soo tala gashay dagaal weji ka weji ah in ay la galayaan Kooxda Kacdoonka waxaana bilowday iska hor’imaad iyo dhagax ay is dhaafsanayeen labada Shacab ee kala jabay.
Mudaaharaadka Kooxda Xusni ayaa waxa ay muujinayeen sida ay u taageersan yihiin Hadalkii Xalay uu jeedayay wallow ay ku dareen banaanbaxooda Erayo ay ku weerarayaan shacabkii Todobaadka u taagnaa Banaanbaxa ka dhanka ah Xukunka Xusni Mubaarak.
Wakaalada wararka waxa ay soo tabinayeen warar sheegaya in Ciidankii Booliiska ee la caburiyay maalintii Jimcaha ka dib in ay dharkii soo dhigteen iyaga oo iska dhigayay Madani taageeraya Xusni Mubaarak waxaana ay awood u isticmaalayeen dadka diidan Xusni.
Waa la is garaacay waxaa jira dad dhintay iyo 200-Dhaawac ah oo welina la soo sheegaya in ay jiraan dad dhagaxa waxyeela uu ka soo gaaray oo aan aragtidooda la arag iyada oo ay adagtahay sida lagu helo Isbitaal dadka la geeyo maadaama dhulka dhan uu xeran yahay.
Maalmaha Carada ee dalka Masar ayaa waxa hada la dareemayaa in weji kale loo yeelayo iyada oo la iska horkeenayo Shacabka dhexdiisa oo la abuuray Koox ka dhigaysa Banaanbaxa mid wejiya badan wallow tira ahaan dadka Caraysan ay badanyihiin.
Daawo Video-gan muujinaya banaanbixii maanta:-
www.BARTAMAHA.COM