Minneapolis, Banaanbax looga soo horjeedo qaraxii foosha xumaa ee loogaystay masuuliyiinta Dowlada iyo ardayda qalinjebinaysay.
Qaraxan oo saamayan xoogwayan u gaystay bulshada Soomaaliyeed dhankastaba hadaynoqoto saxaafada rayadka culima owdiinka iyo madaxa bulshada midkastii dhaawac wayn oo aanay bulshadu ka soo gocanayan u gaystay.
Qaraxan oo ka dhacay Huteel ka mid Huteelada Muqdisho ugu caansan ahna meelaha xafladaha fiicfiican lagu dhigto lakiin maalintaas loogu badalay xafladii ugu danbaysay ee ka dhacda mid dhiig iyo dhimasho ku dhamaata ka dib markii ismiidaamiye la beegsaday qarax dadkii ku dhiganayey xaflada qalinjebinta ardayda jamacada oo ay martina ku ahayeen dad isugu jira suxufiyeen iyo siyaasiyiin iyo weliba ehelkii iyo asxaabtii ardayd.
waxaa ku dhintay dad gaaraya lataneeyo oo isugu jira Arday, Macalimiin, Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin intaba qaarkoodan ku dhinteen goobtaas kuwii kalena ay dhawac iyo dhibaato kala baxeen, ka dib markii nin Bamka qarxa isku soo xidhay uu isku dhex qarxiyey goobtaas.
nin kaas oo markii la baadhay la soo ogaaday in uu ka yimid Yurub halkaan nafta kaga qaday isaga iyo 19 ruux oo kale in ka badan 40 qofna dhib iyo dhaawac gaarsiiyey.
Arintaas ka dib yaa waxaa ka xumaaday ardayda jamacada ee gobolka Minnesota oo isku dayay in ay shucuurtooda ku muujiyaan banaanbax tusaana caalamka in ay ka xunyihiin dhinta loo gaystay ardayda iyo masuuliyiinta waxay maalintii axadii qabteen banaanbax ka dhacay xafada Cader ee Minneapolis.
Waxaan ka soo qaybgalay dad aad u ban oo ay ka mid yihiin dadkii ku dhintay eheladooda iyo dad ka xun dhinta soo gaartay .
waxaan iyaguna ka maqnayan goobtaas culimada ugu waa weyn minneapolis oo ka soo horjeeda falaka foosha xun ee ka socda Soomaaliya.
Arintan oo ay dhalinyaradu canbaraysa shegtayan in ay soo wadayaan banaanbaxyadooda ilaa xal looga helayo dhibta ka taagan Soomaaliya iyagoo u sameyey web site www.savesomaliatoday.com ay dhalinyarada Soomaaliyeed meelkastay joogaan ugu baqaya in ay sidooda oo kale ay uga gilgishaan dhibta ka jirta Soomaaliya iyaguna ay balan qadeen in ay sii wadayaan mudaharado iyo kaalmada dadka loogaysanayodhibta.
Sawirada Daawo
waxaa tacsi udirayaa ardaydii iyo masuu liyiin tii ku geeriyootay iyo wariyaashii kuu geeriyootay qarixii ay ugees teen dad cadow ku ah umada somaaliliyeed . geeridaas ah masiibo qaran ka somaaliya kutimid alaha unaxariisto