Askar Xizbul Islaam ka soo goostay oo Dowlada isku dhiibtay (Daawo Sawirada)

Posted on Feb 27 2010 - 3:32pm by News Desk
Tweet
Pin It

bart2Bartamaha(Muqdisho):-Askar ka tirsan Ciidamada XCizbul Islaam ayaa maanta isaga baxay Kooxdaasi kuna biirayt Dowlada KMG ah sida maanta saxaafada loo soo bandhigay.

Illaa 7-Akari oo ka mid ahayd Kooxda Xizbul Islaam ayaa ka goostay Kooxdaasi iyagoo maanta isku dhiibay Maamulka Degmada Wadajir Muqdisho.

Mamaulka degmada Wadajir  ayaa waxa ay maanta saxaafada ugu soo bandhigeen Degmadaasi Koox Ciidamo ka soo tagtay Xizbul Islama oo hubkoodii sitay.

Ciidamada la soo bandhigay waxaa hogaaminayay Sargaal Si weyn looga yaqaanay Degmadaasi Wadajir oo deegaan ahaan ku naalaan jiray halkaasi.

Axmed Xasan Caddow (Daaci) oo la hadlay Saxaafada markii askarta la soo bandhigay ayaa sheegay in wiilasha yar yar qalbiga laga xaday balse ay haatan ogaadeen dhibaatada ay ku dhex jireen.

Xarunta Saldhigga degmada Wadajir  ayaa si rasmi ah loogu soo bandhigay Ciidamadaasi iyadoo saxaafada loo sheegay in wiilashaasi la soo bandhigay Dowlada lagu wareejinayo.

Taliyaha ciidamada ka soo goostay Xizbul Islaam  oo lagu magacaabo C/raxiin Maxamed Cumar ayaa isaguna  saxaafadda u sheegay in ay ka mid ahaan jireen ciidamada Xisbada ee daganaa isgoyska degmada Howlwadaag.

Xizbul Islaam ayaa iska diiday in Ciidamada saxaafada la tusay aanay ka soo tagin Xizbul Islaam balse ay yihiin askarta Dowlada oo dharka laga badalay.

Afhayeenka Howlgalada Xizbul Islam Sheekh Maxamed Caruus ayaa sheegay in Ciidamadooda ay yihiin kuwa la yaqaan oo u heegan ah la dagaalanka Amisom iyo Dowlada.

Daawo Sawirada:-

bart1

 

 

 

 

bart3Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.