Askar maanta lagu dilay Boosaaso.

Posted on Jul 20 2010 - 4:45pm by News Desk
Tweet
Pin It

bisBartamaha  (Boosaaso):-Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa lagu toogtay gudaha Magaalada Boosaaso ee Gobolkaasi Bari.

Kooxo aan la garan ujeedkooda ayaa duhurnimadii maanta siyaabo kala duwan u dilay Saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Magaalada Boosaaso kuwaasi oo lala beegsaday rasaas ka dhacaysay Bastoolado.

Kooxo Bistoolado ku hubaysay ayaa rasaas madaxa kala eegtay Laba Askari oo Ciidanka Booliiska ka mida xilli ay ku sugnaayeen albaabka hore Ee Xarunta Dowlada Hoose Ee Magaalada Boosaaso gobolka Bari.

Dilkaasi markii uu dhacay ka dib ayaa waxaa la sheegayaa in Ciidanka Booliiska ay goobtaasi gaareen iyagoo bilaabay baaritaan xoog badan si ay u soo helaan dablayda dishay Labada Askari oo xiliga la dilayay ay ku sugnaayeen albaabka horunta Dowlada Hoose.

Xilli howlgalka uu socanayay ayaa la sheegayaa in Bistoolado koox ku hubaysan ay dileen Askari kale oo socayay afaafka hore Ee Shirkada Isgaarsiinta Goolis bartamaha Magaalada Boosaaso.

Dilalka loo kala geystay Saddexda Askari ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay howlgalo wadeen Ciidan iyo guddi loo xilsaaray wax ka badalida ammaanka Boosaaso oo dhawaanahan noqday mid aad u liidanayay wallow dadaal xoog badan ay wadeen Saraakiisha amniga qaabilsan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.