Askar ka tirsan Dowlada oo maanta ku dagaalamay Isgoyska Zoobe Muqdisho.

Posted on Apr 1 2010 - 1:54pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSC06860Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka wada tirsan Dowlada KMG ah ayaa maanta isku rasaaseeyay Isgoyska Zoobe halkaasi oo qasaara ay shacabka maatada ah ugu geysteen.

Dagaalka u dhexeeyay Cidianka Dowlada ayaa waxa uu yimid markii ay ku murmeen Qaad ay ka qaadanayeen Ganacsatada Haweenka ee Qaadka ku iibiya Isgoyskaasi.

Ciidamada dagaalamay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ka wada tirsan Militariga ku xaraysan dhismaya Villa Baydhabo oo aan sidaa uga dheereen Isgoyska Zoobe.

Dagaalka Ciidanka ayaa waxa uu ahaa mid daqiiqado ay socotay waxa una sabab ka dhigay dhimashada 1-qof oo sdhacab ah iyo dhaawaca 3-kale oo qaar ka mida ay ahaayeen Arday ka soo baxdfay Jaamacad ku taala Muqdisho.

Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday Isbitaalada Magaalada si loo dabiibo waxaana muddo ka dib Xaalada ay noqotay mid caadi ah oo aanay jirin saamayntii dagaalka Ciidanka u dhexeeyay.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia