Askar Alshabaab ah oo Maanta la wareegay Xoolo la doonayay in Mowliidka Nabigeena Muxamed(NNKH) lagu xuso gudaha Muqdisho.

Posted on Feb 26 2010 - 8:02pm by News Desk
Tweet
Pin It

shawaabBartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa maanta Xaafado badan oo Muqdisho ka mida ka soo qaatay Xoolo la doonayay in la gowraco munaasabada dhaslahada Nabigeena Muxamed (NNKH) darteed.

Xaafadaha Degmooyinka Yaaqshiid,Kaaraan,Wardhiigley iyo Heliwaa ayaa laga soo kala qaaday in ka badan 50-Neef oo  u badan Adhi la doonayay in lagu xuso Nabigeena Muxamed(NNKH) kuwaasi oo ay gawaari ku soo qaadeen Ciidamada.

Wararka laga helaayo Xeryada Ciidamada ay degmooyinkaasi ku leeyihiin ayaa sheegaya in Xoolo badan ay maanta soo xerteen askarta oo fasax ka heshay madaxda maamulka Kooxdaasi ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo loo yaqaano Xisbada ayaa waxa ay ahaayeen kuwa baaritaan ku hayay xaafado badan oo ka mida magaalada qeybta ay haystaan Alshabaab si ay ula wareegaan raashinka iyo Xoolaha la doonayo in lagu dhigo xuska dhalshada Nabigeena Muxamed(NNKH).

Hogaanka guud ee Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir ayaa maanta sheegay in ay mamnuuc tahay Xuska loo samaynayo dhaslahada Nabigeena Muxamed oo bil waliba oo Mowliid ah laga xusi jiray wadamada Muslimiinta oo ay soomalaiya ku jirtay wallow xiligan culeys xoogan la saaray.

Xasan Daahir ayaa sheegay in uu baadil yahay xuska Nabigeena Muxamed (NNKH) maalintii uu dhashay oo xus loo sameeyo isagoo sheegay in ujeedada xuska ay tahay raashin iyo Hilib la cuno islamarkaana aan wax ajar ah laga helayn dhammaan waxa ay dadka samaynayaan sida uu hadalka u dhahay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Â