Amnesty International oo ka digtay hubka la siinayo Dowlada Soomaaliya.

Posted on Jan 21 2010 - 10:02am by News Desk
Tweet
Pin It
« PREVIOUS
|

amnesty Bartamaha(Nairobi):-Hay’adda Xaquuqda aadaanaha ee Amnesty International ayaa ka digtay in Dalka Soomaaliya la geeyo Hubka wax dhibaateeya kaasi oo hadda la siiyo Dowlada Soomaaliya.

Sargaal u hadlay Hay’adda Xaquuqda aadaanaha ee Amnesty International ayaa waxa uu sheegtay in dalka Soomaaliya la soo galiyay hub kala duwan oo loogu deeqay Dowlada KMG ah kaasi oo shacab badan dhibaata ay ka soo gaari karto.

Sargaalkaasi u hadlay Amnesty ayaa waxa uu xusau in Dowlada KMG ah ay ka heshay Hub Dowlada Maraykanka kaasi oo u badan Hoobiyayaal iyo Madaafiicda goobta kaasi oo qasaara xoogan u geysan kara dadka shacabka ah.

Hay’ada ayaa ka digtay in hub la geeyo Soomaaliya iyadoo xustay in dhibaato   badan oo shacabka ay ka soo gaari karta hubka la siiyo Dowlada kmg ah Ee  Soomaaliya .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.