Amiir Axmed Godane iyo Xasan Daahir oo Muqdisho ku shiray.

Posted on Jul 12 2010 - 8:53am by News Desk
Tweet
Pin It

godaneBartamaha   (Muqdisho):-Amiirka Kooxda Alshabaab iyo Hogaamiyaha Xizbul Islaam ayaa yeeshay kulankii ugu horeeyay muddo sanada ah ka dib kaasi oo ka dhacay Muqdisho.

Warar lagu kalsoonyahay oo saxaafada ay heshay ayaa sheegaya in Kulan balaaran oo albaabyada loo xeray uu ka dhacay Muqdisho kaasi oo ay yeesheen Axmed Godane”Abuu-Zubayr” Amiirka Kooxda Shabaab iyo Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha Xizbul Islaam.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay guri ku yaala Degmada Heliwaa sida warar la xaqiijiyay ay sheegayaan iyadoo labada nin ay ka wada hadleen dagaalka dhexdooda ah iyo midka ay kula jiraan Amisom iyo Dowlada.

Xasan Daahir Aweys Gudoomiyaha Kooxda awood ahaan la wiiqay Ee Xizbul Islaam ayaa cabasho u gudbiyay ninka hogaanka u ah Maleeshiyada Alshabaab isagoo ka dalbaday in laga joojiyo dilalka saraakiisha iyo dhul balaarsiga intaba.

Lama oga hadalkaasi waxa ay isaga afgarteen labada nine e hogaamisa dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay Muqdisho kaasi oo sabab ka dhigay shacabka ugu badan in magaalada ay baneeyaan.

Kulanka oo dhacay galinkii danbe Maalintii Jimcaha ayaa waxaa la soo baahiyay markii magaalada uu isaga dhuuntay Axmed Godane Amiirka Alshabaab kaasi oo ku dhuumaalaysa magaalooyinka soomaaliya.
Saraakiisha Maleeshiyada Alshabaab ayaa waxa ay xaqiijiyeen kulankaasi in uu dhacay  waxa ayna ku soo koobeen in looga tashaday sidii dagaalka Amisom lagula jiro loo sii balaarin lahaa.

Sarkaalka Xizbul Islaam u qaabilsan dhanka Dacwada Sheekh Maxamed Ibraahim ayaa Xaqiijiyay Kulankaasi isagoo ku gaabsaday in labada masuul ay isku afgarteen balaarinta dagaalka lagula jiro Amisom.

Isku soo duub Amiirka Alshabaab Axmed Godane oo alshabaab ay u yaqaanaan Abuu-Zubayr iyo Xasan Daahir ayaa sanadii la soo dhaafay bishii May waxa ay kulan ku yeesheen Degmada Dayniile xiligaasi oo caasimada uu ka dhacayay dagaalkii looga saaray Dowlada Degmooyin badan oo caasimada ah.

Amiirka Shabaab ayaa ah nin aan inta badan la arkin islamarkaana laga ilaaliyo aragtida Ciidamada iyo shacabka iyo dhammaan warbaahinta kala duwan waxa uuna saxaafada Cajalad ugu soo duubaa Xafiisyada Waaxda Iclaamka Maleeshiyada Alshabaab taasi oo loo geeyo Idaacadaha dalka markii la soo tafaftiro ka dib.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi- Kenya.