Alshabaab “Madaxtoyada dusha sare ayaan ka maamulnaa…”.

Posted on Jul 21 2010 - 6:40am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaalka socanayaBartamaha (Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Dowlada xilli ay sheegtay in saraakiil ka soo goosatay Dowlada ay u soo galeen.

Afhayeenka dhanka Dagaalada Alshabaab Sheekh Abuu Muscab oo ah nin Soomaali ah ayaa waxa uu saxaafada kula hadlay qadka Telfonka isagoo daaha ka qaaday in dagaalka ay sii balaarinayaan shalayna ay u soo goosteen saraakiil sarsare.

“Saraakiil ka soo goosatay Dowlada ayaa na soo gaartaywaxa ayna ahaayeen ragga aagaga qaabilsan oo dagaalka kula jiray Mujaahidiinta balse  ka Towbad keenay oo ogaaday waxa ay ku dagaalamaan….anaga dagaalka waan sii wadaynaa xiligana waxaan joognaa meel 100-talaabo u jirta Qasriga gaalada ay joogaan ….” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ninkan ku hadla afka Maleeshiyaadka shabaab ee dagaalamaya.

Abuu Muscab oo haatan ku hadla afka Maleeshiyada Jiida hore ka dagaalamaysa ayaa waxa uu ku faanay in ay laayeen Ciidanka Amisom iyo kuwa Dowlada islamarkaana ay haatan Madaxtooyada dusha sare ka maamulaan Ciidanka Alshabaab.

Sargaalkan waxa uu balan ku qaaday in ay galayaan Villa Somalia oo uu xusay in haatan aanay jirin cid ku dhex dhaqaaqi karaysa taasi oo u muuqanaysa mid dhabar jab ku ah Dowlada KMG ah oo Saddex Jiho looga soo dhawaaday Madaxtooyadii Soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.