Bartamaha (B/Xaawo):- Kooxda Alshabaab ayaa Xabsiga dhigtay Agaasimihii Idaacada Maandeeq oo ku taalay Degmada Balad-Xaawo Ee Gobolkaasi Gedo.
Agaasimihii Idaacadda Radio Maandeeq ee magaalada Baled-xawo Xasan Maxamuud Xalane ayaa Xabsiga ku jira ka dib markii Maleeshiyada Shabaabka ay xereen Masuulkaasi.
Agaasimaha ayaa Koox Shabaabka Maleeshiyadooda ah waxa ay ka qabteen gudaha Deegaanka Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo waxaana amarka xarigiis bixiyay saraakiisha Shabaab ah.
Agaasime Xasan Maxamuud Xalane ayaa Xabsiga la iska galiyay iyadoo aan wax su’aal ah la waydiin sida ay cadeeyeen qaar ka mida Ehelada Masuulka ay shabaabka ku xereen Balad-Xaawo.
Masuulkan ayaa dhawaan socdaal ku aaday Magaalada Hargaysa waxaana la sheegay in uu halkaasi Siminaar uga qeybgalay wallo horay uu shabaabka saraakiishooda ugu sheegay socdaalkiisa.
Xariga Agaasimaha ayaa imaanaya markii muddo ay xabsiga ku hayaan Shabaabka wariye ka shaqeyn jiray Idaacada Mandeeq oo lagu magacaabo C/qani Xuseen Kuusow kaasi oo warbixin u diray Radio Shabelle oo shabaabka diideen in warbixino la siiyo.
Xabsiga la dhigay wariyahan iyo Agaasimaha Idaacada ayaa imaanaya xilli Xadgudubka Saxaafada loo gaysanayo ay iska noqotay mid joogta ah oo xilli walba ka dhaca Gobolada ay maamulaan Mucaaradka iyo sidoo kale dhulka Dowlada iyo Ahlu sunnah haystaan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.