Alshabaab oo u soo jeesatay Aroosyada (Israaf weeye gawaarida badan…”.

Posted on Sep 27 2010 - 3:07pm by News Desk
Tweet
Pin It

aroosBartamaha (Baladweyne):-Kooxda Alshabaab ayaa u soo jeesatay Aroosyada ka dhacaya dhulka ay maamusho oo amar culus la dul dhigay dadka is guursanayo.

Kooxda Alshabaab ayaa si cad u diiday Xafladaha waaweyn ee loo dhigayo Aroosyada iyo gawaarida lagu galbinayo dadka arooska ah oo dhamaan la diiday in ay raacaan dumarka aroosyada taga.

Amar hadda toos loogu baaqay in la fuliyo ayaa waxa uu ka bilowday Magaalada Baladweyne Ee Gobolkaasi Hiiraan halkaasi oo Alshabaab maleeshiyaadkooda la faray in ay qabtaan arooskii iyadoo lagu galibinayo gawaari badan.

Sheekh Yuusuf Cali Ugaas Waa Gudoomiyaha Alshabaab Ee Gobolka Hiiraan waxa uuna soo saaray amarkan ku aadan aroosyada isagoo ku sifeeyay Xad gudub cidii arooskeeda ku bixisaa hanti badan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay shareecada liddo ku tahay cidii gawaari dhaafsan 3-Gaari ku galbisaa arooskeeda islamarkaana magaalada ku dhex wareejisa dadka arooska ah taasi oo ah mid Israaf uu ku sifeeyay masuulkaasi Maamulka Hiiraan u hadlayay.

Deegaano badan oo Alshabaab ay ka taliyaan ayaa xilli hore laga mamnuucay aroosyada la galbinayo waxaana ka mid ahaa Magaalada Kismaayo oo guud ahaan laga diiday dadka in ay haweenka raacaan gawaarida galbiska aroosyada.

Sidoo kale waxaa xilli hore la diiday in ragga guursanaya dumarka ay raacaan Haweenka ay guursadaan iyadoo la faray in gaari guuna ah la saaro laba qof ee is guursanaya ka dibna laga diiday in ay gacmaha is qabsadaan xiliga la galbin ayo.

Dhammaan amaradan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin go’aano Alshabaab ay horay shacabka u saartay kuwaasi oo ahaa Caburin guud oo ay ku samaynayaan Shacabka ku nool dhulka ay alshabaab maamulaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected] .