Alshabaab: War-saxaafadeed ka dhan ah hayada WFP

Posted on Feb 28 2010 - 9:03am by News Desk
Tweet
Pin It

astantaBartamaha(Muqdisho):-War-Saxaafadeed ka soo baxay Kooxda Shabaab ayaa waxa ay dalka uga mamnuucday shaqada hay’ada WFP ay dalka ka qaban jirtay markii amarka Koxdaasi ay qaadan weysay.

War-Saxaafadeedka:-

 

بسم الله الرحمن الرحيم 

WFP waa inay joojisaa Dhamaan howleheeda Gudaha soomaaliya.

Muqdisho,(15/03/1431)- laga bilaabo maanta,dhamaan howlaha hay’ada WFP ka hayso gudaha soomaaliya waa la joojiyey ,hay’adana waa la mamnuucey kabib markii loo kuur galay dhibaatada mashruuceed loogu yeero Cunta qeybinta ay ku hayso dadweynaha soomaaliyeed.

Xafiiska la socodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah (OSAFA) ayaa u arkay inay tahey laga maar maan in la joojiyo howlaha hay’ada WFP ay ka qabato gudaha soomaaliya kadib markii la tixgeliyay arimaha soo socda:

Cabashada sii kordhaysa  oo ay soo jeediyeen beeralayda soomaaliyeed kuwaasoo waayey suuq ay babeecadooda kaga ganacsadaan sababta keentey ay tahey WFP  oo raashiin badan soo dajisa xiliga uu dalagu soo go’o.

Hey’ada oo qaybisa cunto dhacday kadib markii labaaray bakhaarada WFP waxaa cadaatay  in raashinka ku kaydsan uu badankiisu yahey mid dhacay oo aan ahayn mid uu biniaadamku cuni karo.

Faafitaanka cuduro badan oo ka dhashay cuntada ay hay’adu qaybisay

Raashiinka hay’adu keento oo ah mid dano qarsoon oo ay siyaasadeedna laga leeyahey sida taakuleynta ciidamada Xabashida iyo Murtadiinta.

Kadib amarkii kasoo baxay OSAFA bishii koowaad kaasoo lagu joojiyey cutadii WFP wadanka dibadiisa ka keeneysay waxaa cadaatey:

In dadweynaha soomaaliyeed noqday mid isku kalsoon oo awooda inuu beerihiisa fasho,dhamaan beeralaydii horay uga caajistayna ay beerahoodii dib uga howl galeen.

In kalsoonidii beeralaydu badatay dalaggoodiinta suuq ay u heleen.

In dhamaan goobihii hay’ddu horay raashiinka u gaarsiin jirtey ay noqdeen kuwa soo kobcaya wa soo saarna leh.

In Zakawaatkii laga soo aruuriyey ay gaartey dhamaan dadkii tabaalaysnaa.

Waxa ala ogeysiinayaa dhamaan dadweynaha,ganacsatada,darawalada xamuulka iyo qof kasta oo qandaraas kula jira ama u shaqeeya hey’ada WFP  inuu joojiyo shaqadaas laga bilaabo maanta . Qofkii lagu arko isagoo u shaqaynaya ama la shaqayna WFP ,kadib markii uu amarkan soo baxay,waxaa loo aqoonsanayaa qof gacan ku leh mu’aamaraadka hey’ada qeybna ka qaadanaya bur  burinta dhaqaalaha umadda soomaaliyeed  sidaas ayaana loola dhaqmayaa.

Waxaa dhamaan dadweynaha soomaaliyeed lagu dhiiru gelinayaa inay dadaalaan oo dhulkooda tabcadaan Allah kaliyana gacmaha u taagaan .waxaana loogu naseexaynayaa inay raacaan shareecada Islaamku u dajiyey Zakada si ay beerahoodu mira-dhalaan guulana u gaaraan.

Xafiiska la socdka arimaha Hey’adaha ajnabiga ah (OSAFA).

Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin

 Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia