Bartamaha(Muqdisho):-Saraakiil sare oo u hadashay Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa maanta lagu dilay Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab Muqdisho iuyo dhaawaca gaaray saraakiil sare oo ka mida Dowlada.
Saraakiisha Alshabaab oo xiriir la soo samaysay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in ay masuul ka ahaayeen qaraxa lagu dilay Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab Axmed Sheekh Maxamuud Qoorleex iyo dhaawaca saraakiil sare oo uu ka mid ahaa Afhayeenka Booliiska iyo G/Xigeenka ammaanka Gobolka Banaadir.
Saraakiisha Shabaabka waxa ay sheegeen in ay ka faa’iideysteen iska hor’imaadka ciidanka Dowlada u dhexeeyay iyadoo ay maanta halkaasi ka geysteen Laba qarax oo mid ka mida ay ahayd Miino dhulka lagu aasay taasi oo dishay Gudoomiyaha iyo 4-askari oo kale.
Qarax kale oo Alshabaab ay sheegteen ayaa ka dhacay  Xarunta Afisyooni oo Booliiska ay burburin ka samaynayeen xiliga qaraxa hore uu dhacay ka dib halkaasi oo uu ku dhaawacmay Afhayeenka Ciidanka Booliiska Col.C/laahi Xasan Bariise.
Inta badan madaxda Alshabaab waxa ay sheegtaan qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho oo bdankooda qasaara loogu geysto saraakiisha Dowlada iyo Ciidanka Dowlada oo Miinooyin iyo Bam gamceedyo lagu qarxiyo gudaha Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia