Alshabaab oo Ciidamo laga keenay Jubooyinka Muqdisho soo galisay.

Posted on Feb 11 2010 - 9:04am by News Desk
Tweet
Pin It

                                                                                                       SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay Muqdisho soo galinaysay Ciidamo cusub oo laga keenay Gobolada Jubooyinka kuwaasi oo aagaga dagaalka lagu soo kordhiyay.

Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho la soo galinayay Ciidamo ka socday Alshabaab kuwaasi oo laga kala keenay Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Ciidamada oo intooda badan soo galay Magaalada ayaa waxa ay yihiin kuwa ka socday Jubooyinka oo u badan Ciyaalka  Dugsiyada qur’aanka iyo kuwa loogu baaqay in ay dagaalka ka qeyb noqdaan.

Ciidamada ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyin badan oo magaalada ka mida sida aagaga dagaalka iyo isgoysyada qaar oo la soo dhigay iyagoo ay wataan dareeska Militariga ee cagaaran oo Alshabaab ay la timid.

Ciidamada ayaa waxa ay yihiin kuwa u badan Caruur da’dooda aanay ka weynayn 10-15-jir kuwaasi oo la doonayo in ay dhawaan dagaalka uga hortagaan Ciidanka Dowlada ee laga kala keenay wadamo badan oo caalamka ah ka dib tababar ay soo qaateen.

Afahyeenka Shabaab ayaa qiray in ay Ciidamo ku soo tababareen Gobolada xiligan magaalada ay soo galiyeen kuwaasi oo loogu magic daray  Khaalid Binu Waliid kuwaasi oo ah kuwa diyaarsan sida uu sheegay afhayeenka.

Lama oga sababta Ciidamadaasi magaalada loo soo galiyay wallow dad badan ay sheegayaan in ay yihiin kuwa laga keenay Gobolada Jubooyinka oo ay ku dhiiranayaan dagaalka ka dhanka ah Amisom iyo Dowlada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.