Bartamaha (Muqdisho):- Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa duhurnimadii maanta la wareegay gacan ku haynta Xaruntii DBG ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Ciidanka shabaabka oo watay gaadiidka dagaalka ayaa duhurnimadii maanta awood ku galay dhismaha balaaran Xarunta DBG oo dhaca deegaanka KM.13 halkaasi oo ay saldhig ciidan ka dhigteen.
Maleeshiyada gashay Xarunta DBG deegaanka Tree Disho ayaa waxa ay ahaayeen kuwa muddo sanad ah daganaa xaafadaasi balse ay maanta ku soo dhiiradeen bililiqada dhismahaasi iyo saldhiga ay ka dhigteen.
Dhismaha DBG ayaa la xasuustaa in sanadii la soo dhaafay xiligan oo kale lagu dilay Cumar Fiyaasko oo la tuhunsanyahay in ay dileen Maleeshiyada Shabaabka oo sanadii hore qabsaday KM.13.
Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay dadka deegaanka balse waxaa la xaqiijiyay in ay qaateen gawaari ku xaraysneed dhismahaasi iyo Compiutero ay lahaayeen maamulkii Hay’adaasi DBG ee duleedka Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com  Ee Geeska Afrika