Alshabaab Balad-Xaawo oo xerxeray dad jabiyay amar lagu mamnuucayay Xaalufinta dhirta.

Posted on Apr 5 2010 - 9:14am by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA-Bartamaha(Balad-Xaaawo):-Dadka la xerxeray ayaa waxa ay ahaayeen dad jabiyay amar ku wajahnaa joojinta Xaalufinta dhirta Deegaanada Gobolka Gedo oo ay dadka la qabqabtay ku guda jireen Xaalufinta dhirta.

Maamulka Alshabaab ayaa waxa ay horay u mamnuuceen Jarista dhirta guud ahaan Deegaanada ay maamulaan iyadoo ganacsatada iyo dadkii jarayay ay isugu jiraan dadka haatan xerxeran.

Sheekh Aadan Nuux oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Alshabaab B/Xaawo ayaa sheegay in dadka haatan la qabqabtay la soo taagayo Maxkamad sharcigana la marsiinayo.

Wadaadka waxa uu xusay in dhammaan la mamnuucay Jarista dhirta taasina ay ahayd amar guud oo maamulka ka soo baxay oo ay jabiyeen dadka haatan la qabqabtay.

Masuulka Arimaha Bulshada Alshabaab B/Xaawo u qaabilsan ayaa dhanka kale sheegay in ay hayaan Kooxo jabiyay amarada dhanka Dhaqanka oo ay maamulka soo saareen kuwaasi oo shareecada la marsiinayo.

Maamulka Alshabaab ayaa waxa ay dhawaanahan wadeen dhaqan galinta amaradii ay horay u soo saareen oo haatan dad badan ay ku xerxeranyihiin jabinta amarka maamulka.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia