Allaha u Naxariistee Abwaan Abshir Bacadle oo Xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Posted on Oct 10 2010 - 8:16am by News Desk
Tweet
Pin It

abshir_bacadleBartamaha (Muqdisho):-Allaha u naxriistee Abwaan Abshir Nuur Farax “Bacadle” ayaa xalay ku geeriyooday gudaha caasimada  Muqdisho.

Rabbi Naxariistii Jano haka waraabiyee Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) ayaa Xalay u geeriyooday xanuun soo wajahay maalmahan waxaana uu uu ahaa Bukaan socod isagoo Xalay xanuunkaasi ugu geeriyooday Muqdisho.

Ehelada Abwaanka geeriyooday ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay  in uu geeriyooday Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo ahaa abwaan Caan ah dalka gudihiisana shaqooyin badan ka soo qabtay.

Abwaan Abshir Bacadle ayaa waxaa aad loogu  xasuustaa gabayo fara badan oo murti xanbaarsan iyo dayactirka wadooyinka iyo Masaajida ku yaala gudaha Magaalada Muqdisho.

Abawaanka ayaa ku dardaarmay Tixdan:-

Allaahow Ixsaan Badanow, Arxamuraaximiin la hubow, Adoonkaakiyaan Ahay,Isxsaan kuuma gudi karo, Awoodana adeys kaleh, Abuurkeykii koowaad, Awalkiyo bidaayada, Hadoon odey cirool ahey,Ilaa uurkii hooyadey, Aduunyada intaan jiray, Adigaa i arsuqi jiray, Adoonana wax ima tarin, Ixsaankaada ma’ahine Arxan kalana sugi maa Aaqirana ka sii daran.

Ilaahow Ixsaan badanow, Arxamuraaximiin la hubow, Ayaanta Mowdka i asiibo oo Ajasheyda la gaaroo Aduunyo aan ka Aruuro, Ereyga iigu dambeeya Afkeyga uu ku dhawaaqo uurkana aan ka jeclaaday Iqlaasna aan u iraado, oo la aqbaloo la ajiibo LAA ILLAAH ILLALAAHU iyo udkoonow nabikeena Allahayow igu Aadi Argagaxna iga Ilaali.

Hadii Iilka la i dhigo, Afar Xaraf iyo Jaqafyana leygu soo Albaaboo Ciida la igu aaso, Ehel iyo qaraabiyo umada ay iga Jeestaan Alaabadana qaataan Ogaalkiina la soo noqo, Indhahana la iifuro waaba gurigii Aaqiro Irid laga baxana male iimaanka ma’ahane Aqoon horana uma lihi, Allow mahaan iska aalo iyo Itaal Darideyda iyo Ixtaajnimadeyda Adigu wey aragtaaye Isimkaada Raxiima Ilaahayoow iigu Ixsaan Fal Argaggaxna ha igu Abuurin.

Allaha u Naxariisto Abwaan Abshir Bacadle waxa uuna Ifka uga tagay Caruur Alle badiyay iyo Xaasas.

INLLAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].