Ahlu sunnah oo dalab u jeedisay Dowlada iyo Amisom.

Posted on Nov 29 2010 - 8:50am by News Desk
Tweet
Pin It
« PREVIOUS
|

SOMALIA/Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa gacan ka dalbatay Dowlada KMG ah iyo Amisom si ammaanka ay wax uga badalaan.

Taliyaha dhinaca Howlgalada Maamulka Ahlu sunah Wal Jamaaca  Yoonis Cali Jabaan  ayaa saxaafada u sheegay in ay wadayaan Howlgalka ka dhanka ah Alshabaab oo ay ka wadaan dhulka dowlada maamusho.

Masuulkan waxa uu sheegay in illaa haatan ay hayaan in ka badan 100-dhalinyara ah oo dhammaan shabaab ah kuwaasi oo ay ku soo qabteen Howlgal ay ka sameeyeen Degmooyinka Wadajir iyo Waabari oo kaliya.

Sargaalkan waxa uu taageera ka dalbaday Ciidanka Amisom iyo saraakiisha Dowlada in ay gacan ka gaystaan Howlgalka Ahlu sunnah ka wado gudaha Magaalada Muqdisho.

Afhayeenkan u hadlay Ahlu sunnah wal Jamaaca waxa uu cadeeyay in ay tooganayaan cid walba oo ka mid ah Islaamiyiinta Mucaaradka hadii lagu qabto Howlgalada soo socda.

“Waan dili doonaa cid walba oo shabaab ah ama Xizbul Islaam ah ee aan ku aragno dhulka Dowlada iyo Ahlu sunnah maamulaan….anaga waxaan u istaagnay ammaanka Muqdisho sidaan u soo celin lahayn….” Ayuu yiri masuulkan.

Hadalka ka soo yeeray Ahlu sunnah ayaa imaanaya xilli habeenadii ugu danbeeyay ay samaynayeen Howlgal ka dhan ah Alshabaab iyagoo guryaha kala baxayay dhammaan qof walba oo ay uga shakisan yihiin xiriir la wadagida shabaabka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

.