Bridge Bhuko oo ah afhayeenka Ciidamada Amisom oo haatan Holwo Caafimaad u jooga Magaalda London ayaa waxa uu sheegay in ay iyaga diyaar u yihiin wax waliba oo ka soo baxa Midowga Afrika oo ku aadan sii joogitaankooda Dalka Soomaaliya.
Bhuko ayaa sheegay in ay iyaga dalka Soomaaliya u joogaan ilaalinta Baraha Muhiimka ah ee caasimada oo qura balse aanay dalkaasi awood militari ku haysan waxa uuna si weyn u beeniyay in ay dhibaata shacabka soomaaliyeed u gaystaan.
Bridge Bhuko ayaa tilmaamay in ay jiraan kooxo aan joogitaankooda dalka soomaaliya jeclayn balse waxa uu sheegay in ay ku joogaan dalab ka yimid dowlada wadanka Soomaaliya isla mar’ahaantaana ay diyaar u yihiin haddii Midowga Afrika ay amar ku bixiyaan in aan dalka ka soo baxno waan k aqbalaynaa ayuu yiri Bhuko afhayeenka Ciidamada Amisom.
Sidoo kale Bridgo Bhuko waxa uu shaaca ka qaaday in ay dhankoda diyaar u yihiin in ay soomaaliya joogaan haddii ay Midowlaga Afrika ka dalbadaan xittaa haddii ay noqoto Mido 20-Sana ah taasi oo uu ku macneeyay in ay haatan adeeg u hayaan shacabka soomaaliyeed.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Major Bridge Bhuko ayaa wacad ku maray in ay iska difaacidoonaan haddii ay kooxaha Islaamiyiinta ah ay ku soo dhawaadaan goobaha ay ku suganyihiin ama ay weerar ku soo qaadaan fariisinada ay Muqdisho ku leeyihiin taasi oo uu ku sheegay in ay waajib saaran ay tahay in ay ka difaacaan kooxahaasi goobaha Muhiiimka ah.
Bartamaha(Muqdisho):-Xafiiska Warark Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.