Afhayeenka Ciidamada Amisom oo beeniyay in ay maanta ka qeyb-galeen dagaladii ka dhacay Muqdisho xilli Taangiyadooda lagu arkay wadooyinka Caasimadda.

Posted on Jul 12 2009 - 6:25pm by News Desk
Tweet
Pin It

amisomBartamaha(Muqdisho):-Bridge Bahuko oo ah afhayeenka Ciidamada Amsiom ayaa waxa uu beeniyay in maanta Ciidamadooda ay ka qeyb qaateen dagaalada ka dhacay caasimada Muqdisho isgoo sheegay in aanay wax dagaalo balaaran ka warqabin in ay muqdisho ka dhaceen.

Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa sheegay in dagaalada ka dhacay caasimada Muqdisho ay ahaayeen kuwa u dhexeeyay Ciidamada dowlada iyo kuwa nabadda diidan sida uu hadalka u sheegay.

Bridge Bahuko ayaa  sheegay in dhammaan ciidamadooda ay xeryahooda ku jiraan isla mar’ahaantaana aanay marnaba dagaalo la galin islaamiyiinta balse ay u diyaarsanyihiin dagaalo ay la galaan Xoogagaasi haddii ay ku soo dhawaadaan xarumaha ay nabadda ka ilaaliyaan.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo saxaafada kula hadlayay galabta Muqdisho ayaa sheegay in aanay sidaa uga warhaynin dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho balse ay dareemayaan dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo kaliya .

Hadalkan uu galabta sheegay Bridge Bahuko ayaa waxa burinaya hadal uu siiyay Idaacad FM ah oo ka furan Magaalada Muqdisho taasi oo uu u sheegay in dagaala ay qeyb ka yihiin Ciidamadooda balse aanay wax dhibaata ah shacabka u gaysanin.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdfisho-Somalia.