Bartamaha(Muqdisho):-Barigye Ba-Hoku afhayeenka  Ciidamada Amisom ayaa beeniyay in ay soo gaareen fariisinadooda ciidamo ka socda dalalka Nigeria Sirloin iyo Jabuuti ay soo gaareen Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin Ciidamo cusub oo la soo dajiyay fariisinadooda Muqdisho isagoo sheegay in dhammaan Ciidamada Amisom ay yihiin tiradii ka socotay Dalalka Ugandha iyo Burundi.
“Maya xiligan dalka waxaa jooga Ciidamadii markii hore ka jawaabay dalabka Dowlad Soomaaliya ilaa haatan ma hayno wax ciidamo cusub ah oo na soo gaaray balse maalin waliba waan ka wardhowreynaa oo waan jecelnahay in ciidamadaasi na soo gaaraanâ€ayuu yiri Barigye Ba-Hoku.
Ba-Hoku ayaa sheegay in Ciidamadooda ay xiligan ka shaqeeyaan Ammaanka Xarumaha Dowlada balse ay ka wardhowrayaan haddii la soo gaarsiiyo tiro kale oo Ciidamo ku shaqeynaya Magaca Amisom.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamadooda aanay wax rabshad ah ama dagaal ah ku biirin kana qeybqaadan dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho balse waxa uu muujiyay in ay ku shaqeynayaan Amarka Madaxda Amisom .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia