Afhayeenka Burcad Badeedka Somaliyed Oo Sheegay In Lamaanaha Britishka ah ay Ku Bedelan Doonaan Kuwa Laga Haysto Burcad Badeeda(Daawo Sawirada).

Posted on Feb 26 2010 - 7:34pm by News Desk
Tweet
Pin It

bur2


Bartamaha(Muqdisho):-
Afhayeenka budhcad badeedka soomaaliyeed oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inaysan sii deyn doonin lamaanaha ingiriiska ah ee ay haystaan islamrkaana ku andacooday in laga haysto boqolaal ka tirsan budhcadooda .

Khaliif Idiris Cismaan oo sheegay inuu yahay afhayeenka Budhcad badeedka oo la hadlayey saxaafada ayaa shaaca ka qaaday inaysan ahayn Budhcad balse ay yihiin Ururka Ilaalinta Xeebaha islamrkaana ay la dagaalamayaan oo madax furasho ka qaataan maraakiibta shisheeye ee ka qowlaysata xeebaha soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye

Mr .Idiris oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sidii ay ku abuurmeen budh cad badeedku ayaa tilmaamay in markii ay la xaalufiyey islamarkaana cagta la mariyey kaluunkii xeebaha soomaaliyeed ay ciilkii ,cadhadii iyo gaajadii ku kaliftay inay afduubtaan maraakiibta maraya badweynta taasina ayuu yiri ay tahay mid Muhiim u ah umada iyo dalka soomaaliyeedba waa siduu hadalka u dhigaye .

Afhayeen Idiris oo ay saxaafadu weydiisay inay Lacagaha ay ka qaataan maraakiibta ay tahay xaaraan islamrkaana ay meelaha qaarkood fasahaad ka bilaabeen ayaa gaashaanka ku dhuftay inay xaaraan tahay oo ugaarsadaan oo keliya maraakiibta shisheeye ee aysan kuwa ganacsatada soomaalida waxba qabsan waa siduu tilmaamaye isagoo iska fogeeyey inay jiraan lacag ay ku fasahaadeen ee ay dalkooda wax ugu qabtaan .

Mar wax laga weydiiyey lamaanaha biritishka ah ee waayeelka ee ay haystaan ayuu ku sheegay aysan soo deyn doonin islamrkaana ay madax furasho ka rabaan ama ay ku bedelan doonaan boqolaalka budh cad badeed ee ay laga haysto .

Hadalka Afhayeenkan budhcad badeedka soomaaliyeed sheegtay ayaa kusoo beegmaya xili ay qaylo dhaan ka soo baxayso waxgaradka iyo jaaliyadaha soomaaliyeed ee wadanka Britain ku dhaqan.

bur1

bur4

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.